Madaxweynaha khilaafka daashadey ee galmudug mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhawaaqey dagaal uu ugu magacdarey Difaacu Nafsi kaas oo looga soo horjeedo faragelinta dowlada soomaaliya.
Madaxweynaha galmudug iyo madaxa xukuumada sheekh shaakir ayaa lasheegey in ciidamada ahlusuna iyo ku galmudug ay diyaariyaan dhalinyada deegaanada galmudug isla markaana siiyaan tababaro ku filan.
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo saraakiil sare oo katirsan maamulka galmudug ayaa lasheegey in ay gaareen deeganada laga taageersan yahay madaxweynaha xilka haaya mudane Geelle Xaaf iyo Ahlunna waljamaaca.
Wufuud ka kakooban odayaal iyo sarakiil ciidan ayaa lagu soo warmayaa in ay gaareen deegaanada Matabaan, Guraceel, wabxo, gaalkacayo, gelinsoor iyo deegaano kale kuwaas oo lasheegey in ay kasoo aruurin doonaan dhalinyaro difaacda jiritaanka galmudug waa sida hadalka udhigeene.
Maamulka galmudug ayaa xareeyey khilaaf waxaa madaxweynaha soomaaliya lagu dhaliilaa in uu fara gelin ba’an ku haayo maamulkaasi.
Xaalada dalka soomaaliya ayaa u umuuqata mid cagaha lasii galeysa dagaalo sokeeye waxaana dowlada hada jirta lagu eedeeyaa in ay adeegsato xoog iyo ciidamo shisheeye waxaana soomaaliya qarka usaarantahay in ay lumiso qaranimadeeda hadii ay sidaan kusii soctoto maxaa yeeley soomaalida oo isku maqan iyo cadowgeeda oo kumaqan ayada.