DHUUSA-MAREEB(TEBIYENEWS)-XOG XASAASI AH: AL-SHABAABKII MAANTA LAGU QABTEY GURA-CEEL OO LUGTA LA GALEY KHILAAF SIYAASADEED.

0
33

Gelinkii danbe ee maanta ayaa ciidamada amaanka ahlusna waljamaaca  galmudug   magaalada gura-ceel gacanta ugu dhigeen nin lasheegey in uu xirnaa suunka laisku qaxiyo isagoona usra gashey in uu soo galo goob munaasabad ay kusocotey oo kusugnaayeen masuuliyiinta ugu sareysa ahlu sunna waljamaaca.

Ninka la qabtey ayaa lahdeegey in uu awoodey in uu isku qarxiyo ciidanka iyo dadweynaha kusugnaa  halaasi balse waxaa lasheegey in uu codsadey in uu gabey amaan ah kasoo jeediyo xafalada si uu ugu dhowaado masuuliyiinta bartilmaameedka u ahaa.

Xog ay heshey warbaahinta Tebiyenews ayaa muujineysa in naftii hurahan uu bartilmaamed u ahaa madaxda ahlu sunna wal jamaaca ee goobta kusugneed arintaas oo hadii ahlu sunna meesha laga saaro dowlada soomaaliya u fududaan leheed ladagaalanka Axmed Ducaale Xaaf.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada amaanka galmudug ayaa gacanta ku haaya danbiilihii falka geystey waxaana lagusoo waramayaa in si deg deg ah loo xukumi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here