Wararka ka imaanaya magaalda Guraceel ayaa sheegeya in maanta lagu qabtey nin isbiidaaminyey oo rabey in uu isku qarxiyo gooob munaasabad kasocotey.
Munaasabada ayaa looga baroor diiqayey askar katirsan ahlu sunna waljamaaca oo ku dhimatey dagaaladii ay lagaleen alshabaab.
Munaasada ayaa waxaa ksoo qeyb galey madaxa xukuumada galmudug shaa shaakir, markii ay gaba gabowdey munaasabada ayaa waxaa alasheegey in ciidmada amaanka galmudug ee halkaasi kusugnaa arkeen shaqsi usoo ordaya dhanka masuuliyiinta kasoo qeyb gashey munaasabada waxaana durba ciidanka ogaadeen in uu ahaa naftii hure doonaya in uu isku qarxiyo goobta.
Askari katirsan ahlusunna oo halaaksi kusuganaa ayaa waxaa uu durba ku boodey dhagar qabihii isgoona gacanta ku dhigey una diidey in uu is qar xiyo.
Ciidamada amaanka oo aaga ku dhuwaa ayaa durba ku guuleystey in naftii huraha ka fur furan qalbkii uu watey isla markaana xabsiga u taxaabaan. Arintaan ayaa ah tii ugu horeysey oo kaadhacada geyiga soomaaliya waxaana ay xal waara unqon kartaa in la xakameeyo qaraxyada alshabaab ay labeegsadaan goobaha mashquulka ah iyo masuuliyiinta dowlada.