Dhul gariir Cabirkiisa lagu qiyaasay 6.8 Qalabka Rekter iskeylka ayaa waxa uu maanta ku dhuftay Wuqooyiga Dalka Chile.
Arbacadaan maanta ah ayaa dadka ku dhaqan Magaalooyin dhaca Wuqooyiga Dalkaas ay dareemeen dhulka oo ruxmay ama dhaqaaq badan sameeyey.
Cilmi baarayaal dhinaca dhulka ku shaqeeya Dalkaas waxay sheegeen in qiyaastii 145 Kiilo mitir uu dhul gariirka garaacay ama 90 Meyl dhul ku siman.
Wakaalada Wararka Reuters waxay sheegtay in sidaas oo kale dhul gariirka laga dareemay Koonfur Galbeed Magaalada dhacda Ee San Pedro De Atacama.
Lama soo tebin weli Khasaaro dhimasho ama mid dhaawac oo ka dhacay Dhul gariirkaasi ku dhuftay Dalka Chile Ee Koonfurta Qaarada Laatiin Ameerika.
Waxaa soo tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi