Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarshada ee DG Puntland, Maxamed Cali Faarax waxa uu ka warbixiyey Tirada Ardayda u fariisan doonta Imtixaanka shahaadiga iyo xaruumaha lagu qaadayo Imtixaanaadka iyo Tirada Macallimiinta ka qayb galaysa Ilaalinta Imtixaanka.
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland waxa la filayaa inuu qabsoomo bishan June 27-da, iyadoo ay 16,500 Arday u fariisan doonaan Imtixaanaadka Shahaadiga ee Fasalada 8-aad ee Dugsiyadda Dhexe iyo kuwa Fasalada 12-aad ee Dugsiyadda Sare.
Dhowr jeer ayaa dib loo dhigay qaadista Imtixaanaadka Puntland, sababo la xiriirta Faafista COVID 19.
Halkan ka dhegeyso Hadalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda W/Barashada Puntland: