Dhegeysi: Madaxweyne Waare oo ka hadlay Xakamaynta Fatahaadda Webiga Shabelle

0
10

Madaxweynaha DG Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare oo shalay la kulmay Guddiga Ganacsatada Reer Beled-weyn ee u xil saaran Hawlaha looga hortagayo Fatahaadda Webiga Shabelle waxa uu ku wareejiyey Lacag dhan Hal milyan iyo boqol iyo afartan kun oo Dollar oo ah Lacago ay ku deeqeen DFS, Dowladda Jabuuti iyo Guddiga Qaran ee Ka-hortaga Fatahaadaha.

Madaxweyne Waare oo ka hadlay Munaasabadaasi waxa uu ku dheeraaday qorshaha lagu dhisayo Buundooyin looga hortago Fatahaadda Webiga, xoojinta wada-shaqeynta iyo Beekhaaminta Kharajka.

Waxa kale oo uu tilmaamay inuu Dowladda Federalka Ethiopia kala hadli doono xal-u-helista Daadadka ka soo rogmada dhulka Buuraleyda ee dalkaasi.

Halkan ka dhegeyso Khudbadii Madaxweyne Waare:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here