War-saxaafadeed kazoo baxay Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa looga hadlay faragelin Ciidanka Itoobiya ay ku hayaan dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland gaar ahaan shacabka ku dhaqan Gobolka Gedo.
Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Ciidamo Itoobiyan ah oo ka tirsaneyn howlgalka AMISOM shalay ay gaareen Magaalaa Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, kuwaasi oo uu sheegay in dowladda ay ku dooneyso inay u adeegsato doorashada Galmudug.
Sidoo kale Warka kazoo baxay Xisbiga ayaa waxaa lagu xusay in Ciidanka Itoobiya ay doonayan inay sameeyan dhacdadii sanadkii hore ka dhacday Baydhabo xiligii ay soo dhaweyd Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyntii Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiyd Axmed loogu baaqay inuu dib u eegis uu ku sameeyo siyaasadiisa ku aadan Soomaaliya, wuxuuna Xisbiga ka digay in Ciidanka Itoobiya loo adeegsado danno gaar ah oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.
Hoos ka Akhriso Warka kazoo baxay Xisbiga Wadjir.
