Dhageyso:-Xilliga la qabanayo Shirka go’aan qaadashada deyn Cafinta Somalia oo la shaaciyey

0
38

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Oo maanta Warbaahinta Shir jaraa’id ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay halka ay marayaan arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya , mushaarsiinta Ciidamada iyo dalalka deymaha ku leh Soomaaliya.

Dr Cabdiraxamaan Ducaale Bayle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhamaystirtay Wajiga sadDexaad ee aRrimaha deyn cafinta dalka,isla markaana shirka kama dambysta ah ee go’aan qaadashada Arrimaha deyn cafinta Soomaaliya la qabanaayo bilowga sanadka soo socda ee 2020ka.

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa waxa uu ka hadlay Dalalka deymaha ku leh Soomaaliya , sida ay ugu kala leeyihiin iyo qaabka loo isticamaalay lacagahaasi.

Dowlladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan waxa ay ugu jirta arimaha la xiriira deyn cafinta dalka, waxaana dhawaan ay soo dhamaystirtay wajiga saddexaad ee Arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here