DHAGEYSO:-Xildhibaan si kulul uga Jawaabay Hadalkii Madaxwaynaha Puntland

0
6

Xildhibaan Maxamuud Runsheeg oo kamid ah Baarlamaaanka soomaaliya ee Deegaan Doorashadiisu tahay Puntland ayaa ka hadlay Arimo kala duwan oo la Xidhiidha Xaalada  Dalka.

Ugu horyan wuxuu ka hadlay  Hadal dhowaan kasoo yeedhay Madaxwaynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni kaasi oo sheegay inaysan Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee ka tirsan DFS  Matali Karin  Puntland.

“Waa Nasiib darro mana aha mid Sharciga Waafaqsan,  Hadalka kasoo yeedhay siciid deni, Waxaan Matalaa dadkayga, waana la isoo doortay”. Ayuu yidhi Xildhibaanka.

Xildhibaanku wuxuu sidoo kale ka hadlay arimo kala duwan oo la xidhiidha Khilaafka Siyaasadeed ee Puntland iyo DF Soomaaliya, Wuxuuna sheegay inaysan Ogayn waxa ay Puntland tirsanayso,   “Wax khilaaf ah ma Jiraan, waa Afka uun “.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here