Dhageyso;-Xildhibaan Jindi” Madaxtooyada waxaa ka socda Olole Mudo Kororsi ah

0
5

Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Gudaha Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ay ka socdaan ololo lagu raadinayo muddo kororsi.

Waxaa uu sheegay in markii la gaaray xilliga kala guurka ee doorashooyinka la bilaabay in la ciil ciilo siyaasiyiinta u hanqal taagaya inay ka qeyb galaan doorashada,hayeeshee Xildhibaannada uu isaga kamid yahay aysan aqbaleyn.

Xildhibaanka oo ka qeyb-galayay Barnaamij ka baxa Tv-ga Universal ayaa waxaa uu sheegay in Madaxda joogto Villa Soomaaliya ay doonayaan inay muddo laba sano ah ku darsadaan,isla markaana iyaga oo meesha ka saaraya hadalkii Guddoomiyaha Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ee ahaa inay u baahan yihiin Guddigooda 13 si doorasho loo qabto.

Hadalka Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ay maalmaheen sheegayeen in Madaxtooyada Soomaaliya ay dooneyso muddo kororsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here