Dhageyso:-Xildhibaan Jeesow”Kenya Dacarteey cabto ayaan la cabeynaa”

0
20

Xildhibaan Amiin jeesow oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya iyo dagaalkii ka dhacay xaduudka uu saameyn ku leeyahay muranka badda ee u dhaxeeya labada dowladdood.

Xildhibaanka oo la hadlayay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in Kenya ay sicad ugu soo xadgudubtey Soomalaiya,isla markaana ay hubeyneyso Koox Jabhad ah oo uu ula jeeay Ciidamada uu hoggaamiyo Cabdi Rashiid Janan waa sida uu ahdalka u dhigey.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Xildhibaan Amiin jeesow in dowladda Soomaaliya ay dhowr mar Kenya uga digtey inay joojiso faragelin uu sheegay in ay ku heyso Arrimaha Soomaaliya,balse aysan dheg jalaq u siinin.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Xildhibaanka in Dowladda Kenya ay waligeed dibaatooyin ay ku heysay Soomaaliya,waxaana uu sheegay in Soomaaliya ogoleyn in xadgudub lagu sameeyo.

“Xaqiiqdii Kenya mar walba waxaa ay ku xadugudubtaa Soomaaliya,waxana sabab u ah iyaga oo isku dayaya inay Soomaaliya liidaan,waxaana Kenya u sheegayaa inay aqoonsato in aan nahay dal aan deris nahay,waxana leeyahay Kenya Dacartii aad cabto ayaan kula cabeynaa ayuu yiri”Xildhibaan Jeesow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here