DHAGEYSO: Xildhibaan Firimbi oo Xog Xasaasi ah ka bixiyay Banaanbaxii Muqdisho

0
14

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Golaha shacabka kana soo horjeeay siyaasada Dowladda Federaalka ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay banaanbaxyadii shalay ka dhacay magalada Muqdisho ee lagu taageerayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in ka hadalka in Gobolka Banaadir uu Xubno ku yeesho Aqalka sare uu ka horeeyo in dadka muqdisho ay helaan maqaam iyo inay doortaan dadka ay rabaan.

Waxaa uu sheegay in arrin siyaasadeed ay tahay in muddo xileedka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo geba-gabo ah in laga hadlay maqaamka muqdisho,hayeeshee uu Dastuurka dalka uu qabo in Gobolada kale ee dalka xaquuqda ay leeyihiin in Gobolka Banaadir uu leeyahay.

Sidoo kale Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) waxaa uu soo hadal qaaday dibadbaxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ee lagu taageerayay hadalkii Madaxweyne Farmaajo,waxaana uu sheegay in banaanbaxaas uu ahaa mid siyaasadeysan oo halis ku ah Caafimaadka dadka maadaama dalka uu ka jiro Cudurka Coronavirus.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here