Dhageyso:- Xildhibaan Dacwo ka ah Taliska Booliska Soomaaliyeed

0
10

Xildhibaan Cabdifataax Ismaacil Daahir oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyey taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in isaga uu shalay tegay Xarunta taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si loogu saxiixo Ciidamo kamid noqda ilaaladiisa,hayeeshee uu sheegay in si xun loola dhaqmay.

Waxaa uu sheegay in loo sheegay in Ciidamada uu saxiixi karo kaliya Taliyaha,hayeshee daqiiqado kadib uu ka baxay Albaab kale,markii uu taasi uu ka hadlayna taleefoonkiisii Ganacta laga jebiyey.

Shir Jaraa’id uu Maanta ku qabtay muqdisho ayuu sheegay Xildhibaanka in la siyaasadeeyey Hay’adaha Amniga,isla markaana loo dhiibay dad aan aqoon laheyn,sidaasi daraadeed uu dacwad ka gudbi doono taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay ay jiraan Xildhibaano badan oo la kulmay dhibaatooyin kala duwan,hayeeshee dhibaatada isaga loo geystay uu horgeyn doono Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here