Dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay soo faragelisay is-qabqabsi ka taagan gobolka Gedo.
Is-qabqabsiga ayaa salka ku haya dhanka maamulka kadib markii guddooomiyeyaal iska soo horjeeda loo magacaabay halkaas.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax [Koofi] u magacaabay gudoomiye gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda la tibaaxay in ay gudoomiye uga dhigtay gobolkaas mas’uul kale.
Mr Koofi ayaa la sheegay in uu qaab awood ah uu ku qabsaday xafiisyadii maamulka ee gobolka Gedo, kuwoodii ugu muhiimanaa.
Tani ayaa xoojisay xiisadda, waxaana la sheegayaa in Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya u yeertay saraakiiska gobolka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in wasaaraddu u sheegtay xubnahaasi in khilaafkooda lagu dhameyn doono magaaladda Muqdisho.
Hoos ka dhageyso warbixinta oo cod ah