Dhageyso:-Xasan Sheekh oo u digay Madaxda Dowladda Federaalka

0
7

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in Madaxda Sare ee dalka ay khilaaf ka dhex abuuraan Xildhibaannada Aqalka Sare oo haatan uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan.

Waxaa uu sheegay Xasan Sheekh in sidii horay u dhici jirtay in aan faragelin lgu sameyn Golaha Sharci dejina dalka ee baarlamaanka,iyad aoo looga faa’iideysanayo xaaladaha kajira dalka,isaga oo Madaxda dala ugu baaqay inaysan dalka gelinkhilaaf siyaasadeed.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu soo dhaweeyay qoraalkii kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka sare ee ku aadana ain la qabto shir deg deg ah oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada,kaas oo looga tashanayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Hadalka Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo saaray qoraal uu ku baaqayo in la qabto shir ay doorashada uga tashanayaan Madaxda Dowaldda & Dowlad Goboleedyada,hayeeshee qoraalkaas uu kasoo horjeestay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here