Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa kala dhex-galay Ciidamo hab beeleed u abaabulan oo Maanta ku dagaalamay Xaafada Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dagaalka ayaa waxaa uu salka ku haayey isku qabsiga dhula sharci darro ah oo ku yaalla xaafadaas,waxaana la sheegay inay ku geeriyoodeen Afar Ruux oo uu ku jirey Ruux ku Shaqeysanayey Gaari Gacan.
Dadku sugan Xaafada Tarabuunka ayaa Risaala u sheegay in Goobta dagaalka uu ka dhacay ay soo gaareen Ciidamo Boolis ah o wata Gaadiidka dagaalka,kuwaas oo kala qaaday Ciidamadii dagaalamay ee u abaabulnaa qaab beeleedka.
Dagaalka inta uu socday ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodka Ganacsiga iyo Gaadiidka,basle haatan las oo sheegayo in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana Goobaha Ganacsiga dib loo furey.