Wararka ka imaanaya degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in gabar la socotay gaari rakaab ahaa oo maraayay deegaan hoostaga degmada Warsheekh xalay laba nin oo hubeysan ay ku kufsadeen.
Deegaanka uu falka ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Burka Sifacad degmada Warshiikh ee gobolka shabeellada Dhexe.
Guddoomiyaha degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeellada Dhexe Xasan Maxamed Axmed Aya waxaa uu xaqiijiyay kiiskan kufsiga, isagoona sheegay in haatan la xiray labada nin ee gabadha kufsaday.