Dhageyso:-Waare oo shaaciyey xilliga ay dhacayaan doorashooyinka Hir-Sabeelle

0
49

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sirasmi ah uga dhawaaqay xilliga ay bilaabanayaan xulista Xildhibaannada labaad ee Baarlamaanka Maamulkaas iyo doorashada hoggaanka Sare ee Hir-Shabeelle.

Waare oo Baladweyne kula kulmay Safiirka Dowlada Sweden ee Soomaaliya Ambasador Staffan Tillander ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka,waxaana uu sheegay in xulista Xildhibaananda Hir-Shabeelle ay bilaaban doonaan Bisha september ,sidoo kalena doorshooyinka Guud la guda geli doono Bisha Octoober.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in doorashada maamulka Hir-Shabeelle ay waqtigeeda ku dhici doonto,isla markaana Maamulka Hir-Shabeelle uu diyaar garoow ugu jiro sidii doorashadaas ay ku qabsoomi laheyd.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here