Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gashaanle Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Federaalka loga baahan yahay in waxkasta oo ay dooneyso in ka fuliso deegaannada Puntland inay soo marsiiyaan Madaxda Puntland.
Taliyaha waxaa uu sheegay in Puntland ay jirto muddo 21 Sano ah ayna isku filan tahay,sidaaas daraadeed aysan Dowladda Federaalka ka aqbaleyn inay luuq luuq wax soo marsiiso waa sida uu hadalka dhigay.
“Puntland iyo Shacabkeeda waa ay isku tashadeen oo wax walba iyaga ayaa dhisanaya,balse wixii DFS ay bixinayso Puntland ha soo mariso oo luuq luuqa hanaga dayso ayuu yiri ” Taliye Xuseen.
Hadalka Taliyaha Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu jiro khilaafka dowladda iyo Maamulka Jubbaland,isla markaana bilihii la soo dhaafay uu xoogeystay.