Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland ayaa Goordhow shaacisay in Dad Cusub oo qaba Cudurka halist ah ee Coronavirus laga helay deegaano ka tirsan maamulkooda, kuwaasi oo la geeyay Xarumo dadka lagu karantiilo.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in Cudurka Coronavirus laga helay Saddex ruux oo ku kala sugan Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.