DHAGEYSO:-Somaliland oo ka hadashay fal caro badan dhaliyey oo ka dhacay Wajaale

0
7

Somaliland ayaa war ka soo saartay xiisada ka dhalatay Wiil lagu dilay magaalada Wajaale iyo Haweenay ay magaaladaas ku jir dileen ciidamada Booliska, falkaas oo saacadihii lasoo dhaafay si weyn baraha bulshada loogu baahiyay.

Taliska Booliska Somaliland ayaa sheegay in ninka dhintay uu si bareer ah u dilay askari ka tirsan ciidamada Somaliland, iyadoo lasoo xiray askarigaas cadaaladana lahor keeni doono.

Sarkaal lagu magacaabo Faysal Xiis oo u hadlay booliska Somaliland ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay muuqaal muujinaayey haweeney ay ciidanka booliska Somaliland jir dilayeen oo lagu baahiyey baraha Bulshada,kaas oo caro badani ay ka dhalatay.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka jir dilka u geystay haweeneydaas ay la tacaalayeen dad weyne ka careysnaa wiilka uu dilay askariga xiran, waxuuna falkaas u tilmaamay mid ka baxsan anshaxa booliska, isla markaana lasoo xiray dhamaan askartii iskugu tagtay ruuxaas dumarka ah dhawaana maxkamad lasoo taagi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here