Dhageyso:-Sababta Dowladda u soo daabici la’dahay lacag Cusub

0
11

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaalya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dhowr mar sheegay in Dowladda Soomaliya ay soo daabici doonto lacago Cusub,hayeeshee asyan dhicin taasi,waxaana la shaaciyey sababta weli loo soo daabici la’yahay lacag taas.

Guddoomiyaha Guddiga la socodka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay in sababo la xiriira awood dhaqaale u soo daabici la’dahay lacag Cusub oo Shillin Soomaali ah.

Senator-ka oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in hadda Soomaaliya inta badan deynta laga cafiyey,isla markaana ay ku dhow dahay in Soomaaliya ay sameysato lacag Cusub waa sida uu hadalka u dhigay.

Lacagta hadda Soomaaliya laga isticmaalo ee Shillin Soomaaliga ah ayaa ah mid Kun ay u weyn tahay kuna u yartahay,waxaana lacagta Shillinka Soomaaliga ah ay inta badan noqotay mid duugoowdey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here