Dhageyso Roobow Oo Loo Wareejiyey Guri Ku Dhow Xarunta NISA

0
19

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo wareejiyay hoy ku dhow xarunta hay’adda nabad sugida & sirdoonka Qaranka (NISA) ee Habar Khadiijo, sida ay xaqiijiyeen saraaakiil dhinaca amniga ah

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay tallaabadan qaaday, kadib markii uu Sheekh Mukhtaar Roobow Cali maalmihii la soo dhaafay bilaabay inuu cunnada ka Soomo, isaga oo tirsanayo  cadaalad-darro.

Roobow ayaa billihii ugu dambeeyay wuxxu xabsi guri ku ahaa hoy ku yaalla agagaarka aqalka Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo loo wareejiyay markii laga saaray xabsi ku dhex yaala xarunta Hay’adda NISA.

Wasiirkii hore ee gaashaandhigga, Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed ayaa xaqiijiyey in Abuu Mansuur la dejiyey guri ku dhow xarunta taliska NISA ee magaalada Muqdisho.

Dowladda federaalka ayaa Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ka soo xirtay magaalada Baydhabo, isaga oo markaasi musharrax u ahaa hoggaanka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here