Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland, Ilyaas Cusmaan Gabiley) oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay warar lagu qoray baraha bulshada oo sheegayay, in dhammaan duullimaadyadii imaan jiray Puntland la joojiyay, kadib markii ay saameyn ku yeesheen roobabka dabaylaha wata
Wasiirka ayaa xaqiijiyay, in saaka hal diyaarad oo ka degi lahayd Garoonka magaalada Qardho, loo wareejiyay dhinaca Garoonka Boosaaso, kadib markii uu roobku saamayn ku yeeshay, maadaama Garoonka Qardho uusan laami ahayn.
Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyya in diyaaradda Ethiopian Airline oo Shalay Duullimaad ku tagi lahayd Garoowe, ay u baaqatay hakad yar oo gelinkii dambe ku yimid Duullimaadyadii Garoonka.