Dhageyso Nabadoonkii Shabaab ee Deegaanka Ceel-cali oo Dagaal Lagu Dilay+Dhageyso

0
35

Maamul Goboleedka Hir-shabeelle ayaa sheegay in Ciidamadda Macawiisley ay xalay dileen Nabadoonkii Al-shabaab ee Deegaanka Ceel-cali ee dhawaan la caleema-saaray.

Gudoomiye Ku-xigeenka Amniga ee Magaaladda beledweyne ee Gobolka Hiiraan, Muxumed Cali Maxamuud oo la hadlay  Shabakada Tebiyenews ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in kooxda Macawiisley ayaa xalay dileen Nabadoonkii Al-shabaab ee Deegaanka Ceel-cali kadib dagaal halkaas ka dhacay.

Waxa uu sheegay in Kooxda Macawiiley oo si weyn u hubeysnaa ay weerar ku qaadeen saldhig Shabaab ay ku lahaayeen deegankaas,islamarkaana ay dileen dhowr dagaalyahan oo Al-Shabaab ka tirsanaa iyo nabadoonka oo magaciisa la helin.

Dhanka kale Gudoomiye Ku-xigeenka Amniga ee Magaaladda beledweyne ee Gobolka hiiraan, Muxumed Cali Maxamuud ayaa sheegay in ciidamadda Dowladda ay saakay dagaal ku qaadeen dagaalyahanadda Shabaab ee ku sugan Duleedka Magaaladda Beledweyne.

Mudooyinkii dambe ciidamada Macawiisley ee dagaalka kala soo horjeeda Xarakadda Shaabab ayaa waday weeraro ay ku qaadayeen Saldhigyadda ciidamadda Al-Shabaab ee Goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee Hir-shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here