Madaxweynaha Jamhuuriyada la magac baxday Somaliland Madaxweyne Muse Bixi ayaa khudbadiisii furitaanka shirka ee maanta uga furmay Soomaaliya iyo Soomaaliland ku sheegay in Somaliland ayan marnaba ka tanaasulaynin madax-banaanideeda.
Khudbada Madaxweyne Muse Bixi oo ahayd mid dhinacyo badan taabatay ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Somaliland yihiin labo wadan oo isku tagay, laakiin Somaliland wanaageedii xasuuq loogu badalay. Hadalka Muse Bixi ayaa ahaa mid oo aan laa-laabad lahaynin, waxa uuna ka hadlay xaqiiqda jirtaa. Hadlakiisa ayaana meesha ka saaray in Soomaaliya iyo Somaliland ay si fudud markale isugu biiraan, taas oo meesha ka saartay qorshihii mala’awaalka ahaa ee MD Farmaajo ku doonayay in uu ku khaldo shacabka Somaliland.
Halkaan ka dhagayso qayb ka mida khudbadii Muse Bixi