Wakiilka dawladda Maraykanka ee Qaramada Midoobay Rodney Hunter ayaa hadal uu Isniintii ka jeediyay shir Golaha Amaanka ay ka lahaayeen arrimaha Soomaaliya ku dhalleeceynayay qorshaha ciidamada dowladda federalka Soomaaliya ay geysay gobolka Gedo.
Rodney Hunter ayaa sheegay “in ciidamada xoogga dalka ee gobolka Gedo ee Jubaland loogu daad-gureeyey duulaan ay siyaasad dhiiri-gelisay” ay tahay arrin aan la aqbali karin.
Hadalkiisa ayaa dib u soo cusbooneysiiyey hadal heynta baahida keeni kartay in dowladda Soomaaliya ay ciidan geyso gobolka Gedo.
Yuusuf Cismaan Xasan oo kamid ah Aqoonyahanada kasoo jeeda Gobolka gedo ayaa sharaxaya u jeedada ka dambeysa in Dowladda Ciidamo geyso Gobolka Gedo.
