Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in wasaaradda ay qorshooyin la xiriira dhinaca Amniga iyo ka hortegida maleeshiyaad dhibaato ka wada deegaannada Galmudug ay wadaan,isla markaana inta badan ay ku guuleysteen.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska Galmudug ay ka adkaadeen maleeshiyaad tiro yar oo amni darro ka waday Gaalkacyo,sidoo kale iibinayay waxyaabaha maanka dooriya oo qeyb ka ah amni darrada.
Wasiir Fiqi waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay suurtagal u noqon weysay inay Siyaasadda Dowladda Federaalka waxka raadiyaan, iyada oo dadkii ay metelayeen maleeshiyaad aan ka badneyn 50 ruux ay si awood ah u heystaan.
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa kusoo aadaya xilli maalma ka hor Wasaaradda Amniga Galmudug ay la wareegtay baro koontorool oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo,kuwaas oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyaad dadka deegaanka ah.