DHAGEYSO: Madaxweyne oo lagu eedeeyay inuu Lunsaday Lacagihii gurmadka Baladweyne

0
4

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu eedeeyay in uu lunsaday lacago loogu talagalay gurmadka Magaaladda Beledweyne oo saameeyn ku yeeshay fatahaada uu sameeyay Wabiga shabeele.

Maareeyaha Garoonka Diyaaaradaha Baldweeyne Qaasim Maxamed Maalin  oo la hadlay waraabhinta ayaa sheegay in Lacagihii ay balanqaadeen Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ay soo gaareen Maamulka Hir-shabeelle balse uu lunsaday Madaxweyne Waare.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay joogsatay shaqadii Garoonka Magaaladda Beledweyne,kadib markii biyaha wabiga ay soo galeyn Garoonka sida uu sheegay Maareeyaha.

10 bishan may ayaa aheyd markii Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu sheegay in ay soo gaareen lacagihii dowladda Soomaaliya ee horey u balanqaaday.

Shacabka Magaalada Beledweyne ayaa maalmihii lasoo dhaafay bilaabay in ay si isxilqaan u xiraan biyaha ka dib markii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeele ay ku fashilmeen in ay bixiyaan lacagihii gurmadka loogu tala galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here