Dhageyso:-Madaxweynaha Galmudug oo ka digay dagaal Beeleedyada

0
5

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay dagaal Beeleedyada soo laab laabtay ee mar walba ka dhaca deegaannada Maamulkaas.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Xukuumad iyo Shacab looga baahan yahay inay gacmaha isqabsadaan kana Shaqeeyaan Amniga,sidoo kalea ka hortagaan dagaal beeleedyada kuna dhaqaaqaan xoreynta deegaannada ka maqan Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Galmudug ay ka go’an tahay in Gudaha deegaannada Maamulkaas laga ilaaliyo dagaal beeleedyada soo laab laabta.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in aysan aqbaleyn deegaano iyo dhulal la isku qabsado taas oo sahli karta inay dagaal beeleedyo dhacaan,isla markarkaana dhibaato la geystay in qof kale loo dhibaateeyo.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Bilihii la soo dhaafay deegaannada Galmudug ay kusoo bateen Colaad beeleedyada,kuwaas oo qaarkood xal laga gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here