Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo hada ku sugan cadaado ayaa ka qeybgalay munaasabad uu ku daahfurayey shaqada soo xulista xubnaha golaha degaanka Degmada Cadaado oo mar ahaan jirtey fariisinka Galmudug.Qoor ayaa khudbad kooban oo uu halkaas ka jeedshey ku sheegay inay muhiim tahay in la taageero dhismaha golaha degaanka isagoo soo hadal qaaday inay ka socoto shaqadan oo kale degaanada kale ee Galmudug.