Dhageyso:-Madaxtooyada Somaliland & Xisbiyada oo heshiis gaarey

0
6

Magaalada Hargeysa gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada waxaa kulan xasaasi ahaa ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo labada Guddoomiye ee Xisbiyada mucaaradka Soomaaliland ee WADANI iyo UCID ,iyaga oo heshiis ka gaaray khilaafkii Guddiga doorashada.

Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ah Wafdi ka socda Midowga Yurub oo uu hoggaaminayo Amb Nicolás Berlanga Martinez Safiirka Midowga Yurub ,kuwaas oo dhex dhaxaadin ka dhex waday Xukuumadda Soomaaliland iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka oo isku khilaafsanaa Guddiga doorashooyinka Soomaaliland.

Xoghayaha Xisbiga UCID ayaa faah faahin ka bixiyey qodobada ugu muhiimsan oo ay ku heshiiyeen Madaxtooyada Soomaaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka,waxaana qodobada kamid ah.

1: in la qabto doorashada waqtigeeda oo ah marka la gaaro dhamaadka sanadkan 2020
2: in doorashada aysan qaban Guddiga la isku khilaafsan yahay balse lagu wareejiyo Guddgii hore ee doorashada oo ka kooban 7 xubnood,kaas oo ay wehlinayaan Saddex Xubnood oo ka socda Beesha Caalamka.

3: In Madaxweyne Muuse joojiyo furitaanka Ururo siyaasadeedyada.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xoghayaha Xisbiga UCID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here