Maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay faahfaahin guud ka bixiyeen howlgallo laga sameeyay gobolada Gedo iyo Jubada hoose, kaas oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka maamulkaas.
Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Xilli uu Warbaahinta kula hadlayay magaalada Kismaayo ayuu sheegay in howlgalladaas ay Ciidamada Jubbaland ka fuliyeen deegaannada Cabdala Biroole, Yaaq Bishaaro iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Jamaame ay ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab sidoo kalena qaarkood ay nolosha ku qabteen.
