Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa furay shir looga hadlayo amniga guud ee dalka iyo dib u habeyn lagu sameynayo Tayada Ciidanka ee qorshaha sanadkaan cusub ee 2020.
Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay inta badan Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed,kuwa Maamul goboleedyada iyo Saraakiil kale,waxaana lagu qabtey Xarunta taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada muqdisho.
Taliye Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in u jeedka kulanka uu yahay inay iska wareystaan halka uu marayo amniga dalka,dhibaatoyinka ay qabaan Ciidamada iyo caqabadaha jira.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay kulanka uga hadleen sidii Saraakiisha Ciidamada Booliska Dowladda iyo kuwa dowlad Goboleedyada wadashaqeyn buuxda u wada yeelan lahaayeen maadama amniga dalka uusan xaduud laheyn.
Dhamaan saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayuu sheegay inay waajib ku tahay ilaalinta amniga iyo badqadbka dadka Shacabka ah loona baahan yahay in mas’uuliyad la iska saaro.