Dhageyso:-Jubbaland oo cadeysay Sababta Go’aan ay dhawaan ku dhawaaqeen

0
17

Dhawaan Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu shaaciyey inay ay gebi ahaanba joojiyeen ka qeyb-galka Shirarka looga hadlayo Arrimaha deynta Cafinta Soomaaliya,waxaana ay haatna faah faahin ka bixiyeen sababaha keenay arrintaas.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland Cabdi Rashiid Jire Qalinle ayaa sababta ku sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay Colaad ka abuurtey deegaano nabdoonaa ee Gobolka Gedo,isla markaana ay daagalo ka dhaceen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay cunaqabateyn saartey deegaano ka tirsan Jubbaland,sidoo kale lagu dhibaateeyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho mas’uuliyinta doonaya inay tagaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Go’aankaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here