Iyaddoo lagu waddo in uu Boosaaso shir uga furmo Puntland iyo Jubbaland, Senator ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilay.
Axmed Macalin Nadiir, gudoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada ee Aqalka Sare, ayaa sheegay in kulankaas uu yahay “khiyaano Qaran”.
Mudanaha ayaa daliishaday in madaxweyne Deni iyo dhigiisa Axmed Madoobe, aysan xaq u lahayn in ay ka hadlaan ajendaha ay shaaciyeen in ay ka tashanayaan.