Wararka naga soo gaaraya galbeedka magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ayax uu ku degay qaar ka mid ah Gobolka Gobolka Hiiraan.
Dadka beeraleyda ah ee ku nool koofurta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu beerahooda ku degay ayaxaas ,iyagoo sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in uu dalagyada ka baa bi’iyo.
Ayaxa ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka cabanayay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan gobolka Galgaduud,waxaana hadda ay u muuqataa in uu ku degayo qeybo kale oo ka mid ah dalka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim ayaa sheegay in cayayaanka Ayaxa oo ka soo gudbay deegaanada Galmudug iyo dhulka dowlad deegaanka Soomaalidu uu musiibo ku yahay Beeralayda gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.