Dhageyso:-Hir-Shabeelle oo u digtey Dadka Garsoorka u doonta Al-Shabaab

0
8

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu soo saarey digniin ku socota dadka ku nool Gobolkaas ee mararka qaar Garsoorka u doonta Maxkamadaha Al-Shabaab,iyaga oo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne ee gobolka Gobolka Hiiraan Cimaan Dhicisow Dhuuboow ayaa sheegay in Maxkamadaha Gobolka Hiiraan ay yihiin kuwo si wanagsan u Shaqeeya,isla markaana dadka looga baahan yahay inay u gdbiyaan wixii dacwo ah ay qabaan.

Waxaa uu si cad u sheegay inay jiraan dad Garsoor u doonta Al-Shabaab,waxaana uu sheegay in Al-Shabaab ay yihiin dad Xukuman oo aan wax xukumi karin waa sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya aan la aqbali karin dad Garsoor u doonanaya Maxkamada Al-Shabaab,isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Amarkaan iyo digniintaan kasoo baxdey Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli ay jirtay in dad badan oo ku nool Gobolka Hiiraan ay dawacwad kasta ay u baahdaan ay u gudbiyaan Maxkamada Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here