DHAGEYSO: Guux Ka Dhex Abuurmay Aqalka Sare & Gudigii La Magacaabay

0
4

Guux iyo buuq siyaasadeed ayaa ka dhashay Sida la leeyahay Gudigii uu magacaabay Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi Habeenimadii Xalay.

Gudigaan ayaa ah mid ka shaqeyn doona shir la iskugu keenayo Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada Dalka ka jira.

Waxaa gudigaan gudoomiye u ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo qudhiisa qaado qaboow aheyn go’aanada uu qaadanayey maalmihii dambe.

Senetor Axmed Macalin Cumar (Nadiir) oo deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland ayaa si kulul uga hor yimid Gudigaas Cabdi Xaashi magacaabay.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Senetorka in dad badan ay u arkaan mid aan loo marin habraacii gudiga lagu magacaabi lahaa oo jeebkiisa Gudoomiyaha Aqalka Sare ka yimid.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here