Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka maamulka Puntland Cabdi Xakiin Maxamad Axmad Dhooba Daareed ayaa waxaa uu hadlay xilka qaadistii lagu sameeyey, waxaa uuna eedeyn u jeediyey Masuuliyiinta maamulka Puntland iyo Xildhibaannada Baarlamaanka.
Mr Dhooba daareed ayaa sheegay in waqtigan maamulka Puntland uu gacanta u galay kaligii Taliye, isagoona xildhibaanada ku dhaliilay in ay xiligan umada ugu shaqeeyaan laaluush la siiyo.
Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Puntland ayaa sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaaday in Puntland ay ku socoto wadadii bur burka hadii arintaasi aan wax laga qaban ay dhibaato badan ka dhalan doonto.
Ugu dambeyn Guddoomiye Dhooba daareed ayaa waxaa uu shacabka ugu baaqeen in ay u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa maamulka Puntland.