Dhageyso:-Guddoonka Aqalka sare oo laba u kala jabay & Shacabka Muqdisho oo ka hadlay

0
7

Waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhaxeeya Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo kuxigeenkiisa labaad Mowliid Xuseen Guhaad,kaas oo salka ku haaya Go’aan kasoo baxay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kulan uu la qaatay guddiga joogtada ee golaha waxaa uu so saaray qoraal uu ku sheegay in loo baahan yahay in la qabto shir ay isugu imaanayaan Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka,waxaana Go’aankaas kasoo horjeestay Mowliid Xuseen Guhaad guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare.

Waxaa uu ku eedeeyay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi in uu jabiyay xeer hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay jooggaan 12 Senetor oo kaliyah, islamarkaana la doonayay in ay matalaan Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare, laakiin Gudoomiyaha Aqalka Sare uu taa badalkeeda qabtay kulan Zoom ah.

Hadaba Shacabka ku nool Magaalada muqdisho ayaa si kulul waxaa ay uga hadleen khilaafka soo kala dhex-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo kuxigeenkiisa labaad ee Mowliid Xuseen Guhaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here