Dhageyso:- Guddoomiye Filish”Waxaa jira Ganacsato lacago siiya Al-Shabaab

0
15

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Mgaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay inay jiraan ganacsato farabadan oo lacago baad ah siiya Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan Dadka Shacabka,hayeeshee taasi aysan aqbaleyn,isla markaana ay dagaal adah la geli doonaan Al-Shabaab.

Waxaa uu uga digey Ganacsatada Soomaaliyeed inay lacag siiyaan Al-Shabaab oo uu sheegay in markii dambe lacagahaas ay Carruurtooda ku dilayaan.

Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu Maanta ka sheegay banaanbax looga soo horjeeday Al-Shabaab looguna baroor diiqayey qarixii Ex-koontorool oo lagu qabtay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here