Dhageyso:-Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo War soo saarey

0
16

Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay xiliga kama dambeesta ah ee qabashada waraaqaha Musharrixiinta Guddoonka Barlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga oo Warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb ayaa waxaa uu sheegay in Guddiga ay diiwaan geliyeen ilaa iyo hadda 7 Musharax oo u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug & labadiisa kuxigeen.

Waxaa uu sheegay in Xubnaha isa-soo shaarxey oo ay diiwan geliyeen ay kala yihiin Saddex Xubnood oo u taagan xilka Guddoomiyaha baarlamaanka, laba u sharaxan guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo laba u taagan guddoomiye kuxigeenka labaad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay ugu dambeyn in waqtiga ay ku egtahay diiwan gelinta musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug uu yahay 12:30 ee Caawa,is amarkaana dadka doonaya xilkaas ay ka faa’iideystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here