DHAGEYSO: Galmudug oo go’aan ka soo saareysa mowqifkeeda doorashada dalka

0
6

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo ku sugan Magaaladda Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan doorashooyinka la rajeynayo in dalka ay ka qabsoomaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa Sheegay in Maamulka Galmudug uu Mowqif kasoo saari doono doorashadda la filayo in dalka ay ka dhacdo islamarkaasna waxa uu sheegay in mamulka Galmudug uu ka qeyb qaadanayo dhameystirka dastuurka qabyo qoraalka ah ee dalka.

Dhanka kale gudoomiyaha baarlamaanka Maamulka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa waxa uu sheegay in Maamulka uu dagaal ugu jiro xakameynta cudurka safmarka ah corona virus islamarkaasna ay fureen Xarumo lagula tacaalayo dadka qaba cudurka covid19 kuwa kalena ay wadan hirgalintooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here