Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka hadlay Ciidamada ay Dowladda Soomaaliya geysay Gobolka Gedo,faragelin uu sheegay in dowladda Kenya ku heyso Arrimaha Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo oo Wareysi siiyey Tv-ga Universal ayaa sheegay isaga oo ka hadlayay Ciidamada la geeyey Gedo in Dowladda Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ilaalinta Xaduudaheeda,isla markaana aysan aqbaleyn in faragelin lagu sameeyo.
Waxaa uu ku eedeeyey Dowladda Kenya ay faragelin ku heyso Soomaaliya,isla markaana ay u adeegsaneyso qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada,waxaana uu digniin culus u direy Dowladda Kenya.
“Waxaan arba inaan ka gudubno in dalkeena la fargeliyo,Jubbaland Kenya ma ahan waa inay faragelinta naga deeysaa mana aqbaleyno in dalkeena la farageliyo, ewel Madaxda dalka ayaa la isku adeegsan jirey balse hadda waxaa naloo adeeegsaday Dowlad Goboleedyada qaarkood ayuu yiri” Madaxweyne Farmaajo.
Arrimaha Jubbaland isaga oo ka hadlayay ayuu sheegay Madaxweynaha in marnaba wax doorasho ah ka dhicin Jubbaland,waxaana uu sheegay Madaxweynaha in Dowladda Soomaaliya ay dooneyso in la bedelo dhaqamada qaarkood oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin dowladnimada Soomaaliya.