Dhageyso: Faah-faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Bay

0
6

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab uu ka dhacay duledka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi Bay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen kolonyo ka tirsan ciidanka Koonfur Galbeed uu ku safrayay wadada isku xirta magaalada Baydhabo iyo deegaanka Deynuunay oo ka tirsan gobolkaasi Bay.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno dagaalkaas ayaa waxa ay sheegayan in khasaare uu ka dhashay, kaas oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay, hase yeeshee aan waxaan weli si rasmi ah loo xaqiiji karin inta uu dhanyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka dhex maray Al-Shabaab iyo ciidanka Koonfur Galbeed.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasi oo ku aadan dagaalka ka dhacay gobolka Bay.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here