Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif ) oo mudooyinkii dambe kusugnaa deegaannada galmudug ayaa waxaa uu booqday Saldhigyada Cidiamada booliiska ee Guriceel iyo Ceeldheere ee gobalka galgaduud halkaas oo dhawaan ay Ciidanka kala wareegeen kuwii ahlusunna .
Taliyaha ayaa markii uu tagay saldhigyadaasi waxa uu warbixino kadhagaystay saraakiisha xukunta Ciidamada booliska ee kusugan saldhigyaadaasi,waxaana ay kawarbixiyeen inta ay joogaan howlaha ay qabteen.
Janeraal Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif ) oo la hadlayay Saraakiisha iyo Ciidamada kusugan labada saldhig ayaa waxa uu kusii dhiira galiyay in shaqooyinka loo igmaday ay siwanaagsan u sii wadaan xuquuqdoodana ay sida ugu fudud kuli doonaan.
Taliyaha ayaa waxa uu ku amray ciidankaasi in ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka ay u adeegayaan shaqadii loo igmadayna ay siwanaagsan uga soobaxaan cidii aan siwanaagsan u shaqaynin ayuu tilmaamay in aysan Ciidanka kasii mid ahaan doonin .
Dhanka kale taliyaha ayaa waxa uu tilmaaay in askari walba oo kamid ah Ciidankaasi ee shaqadiisa si wanaagsan uga soo baxa abaal marin uu ku farxo lagu siin doono.