DHAGEYSO: DF oo loo diray Fariin ku aadan dadka ay guriyaha ku xayirtay Covid-19 dartiis

0
18

Bandowgan oo Dowladada Federalka Soomaaliya ay kusoo rogtay Magaalada Muqdisho  waqti ay  Maalmo kooban ka harsan yihiin   Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa saameyn xoogan waxa uuku yeeshey  Dadka shacabka ah ee kunool Gobolkani Banaadir kuwaas oo la tilmaamay in aysan awoodin latacaalidda xaaladaha adag ee laxariiro  u diyaar garowga Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyo Bondowga ay Dowladd Fadarelka Soomaaliya  ku soo Rogtay Magaalada Muqdsho .

Bandowgan ayaa waxaa la tilmaamay in uu saameyn Daran ku yeelanayo Dadka Danyarta ah ee iskugu jiro Barakacyaasha ,  dadka Muruq maalka ah iyo Gaadiid leyda sida Uu sheegey Wasiiru Dowlihi Hore ee Wasaaradda Dakadaha iyo  Gaadiidka Badda Ee Soomaaliya  Maxamed Jaamac Furux .

Maxamed Jaamac Furux oo  lahadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Dowladda  Federalka Soomaaliya Ka dal baday in ay Il gaara ku hayso dadka ay Bandowga ku soo  rogtay ah ku Dadka  danyarta ah waxa kuuna soo jeediyey Dowladda sidii ay u qaaday Mas’uuliyadda Latacaalidda Corano-v irus ay qaado Mas ‘uuliyad kale oo ah in ay gurmad iyo sidoo kale  takuleyn ay  siiso Dadka shacabka  ah ee kujiro ee ku jiro Xeryaha Qaxootiga ah iyo kuwa kale ee Daryarta ah  ee aan latacaali karin xaaladahan kala duwan ee soo wajahay   Asagaano sheegey in Dowladada ay Guryahooda ugu Geyso Cuntada iyo wax yaabaha  kale ay ubaahan yihin maadaama ay magaalada ka xirtay waqtiyadii ay Afurka soo doonanayeen ayna usoo baxayeen cibaadada Alle.

Hadalka wariiskii hore ee wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ayaa ku soo aadayo ayadoo Dowlaadda Feredalka Soomaaliya Bandowgii  ay ku  dhawaan ku dhawaqqdey  uu xalay oo ku beegney I5 APRIL uu ka dhaqan galay Magalaada Muqdisho aydayooda Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho ay Siyaabo kala Duwan kuga fal celisan kuwaas loo sheegey in aaan loo baahnay in xiliigan oo Bisha Barakaysan ee Ramadaan  waqti yar ka dhiman tahay in Bandow lagu soo rago Dadka aanan u adkaysan karin Xaaladaan ee kunool Magaalada Muqdisho ee Gobolkani Banaaadir .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here