DHAGEYSO: DF oo fasiraad dheeraad ah ka bixisay deeq kaga timid Turkiga

0
12

Dowladda Federaalka Sooamliya ayaa ka mahad celisay gar-gaar kaga yimid dowladda Turkiga, waxaana ay sheegtay dowladda Federalka Soomaaliya in deeqdani dowooyinka ah uu kusoo aaday waqti loo baahnaa oo ay jiraan baahiyom daran oo looqabay deeq-daan dowooyinka ah ee lasoo gaarsiiyay maanta.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in loo baahi weyn ay shacabka soomaaliyeed ay u qabeen caawinaaddaan kaga timid Turkiga.

Fawsiya  Abiikar wasiirka wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kula tacaali doonaan dowooyinkaan iyo qalabka caafimaad dadka uu soo ritay caabuqa covid19.

Turkiga ayaa ah dal si weyn Soomaaliya caawiya waxaana tiro dhowr jeer ah uu soo gaarsiiyay gar-gaar kala duwan oo wax loogu qabtay shacab ku dhibaataysan gudaha Soomaaliya, haddana waxaa uu shaaca ka qaaday in Soomaaliya uu ka caawin doona la dagaallanka caabuqa Covid19.Audio Player

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here