DHAGEYSO: Dagaalka Siyaasadeed Ee Kheyre,Farmaajo & Mucaaradka Ka Dhex Jira

0
11

Marka aan dib umilicsano Marxalad walbo oo Kala guur waddanka galo waxaa jiray is hubeyn siyaasad la xiriirta oo qolo walbo ay hardan u gasho Guusha in dhankeeda soo marto.

Dhowrkii doorasho ee udambeeyey iyo sidii la isku legday waxay muujisey in Dalka mar kale uu wajahi karo is maquunis ku dhisan Siyaasada.

Marxalada Kala guurka wakhtigaan waxay ka dhigan tahay in hardanka culeyskiisa inuu sii ballaarto ugu wacan tahay sida ay Mucaaradka gacmaha isku qabsadeen iyadoo Madaxtooyada weli Xisbigeedii aysan shaacin.

Balse isku aragti kama wada ah xubno kale oo mucaaradka ku jira ayaa qeyb ka aheyn Madasha Xisbiyada Qaran Sida C/raxmaan C/shakuur oo dhaliil la daba jooga Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo cida calfan doonta Madaxweynaha soo socda lasii saadaalin karin hadana Madaxweyne Farmaajo ayaa laga dhursugayaa inuu cadeeyo Nuuca doorasho ee la geli doono iyo inuu murashax yahay.

Warar ayaa xitaa sheegaya in Wasiirka 1aad Ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu dhankiisa shaacin doono ka hor Xilli dhamaadka Dawlada inuu murashax u yahay Madaxweynaha Soomaaliya,waloow aysan Xafiiska Kheyre cid katirsan Shaacin arintaas ilaa hadda.

Dawlada Soomaaliya ayaa xakameyn ilaa xad ku sameysay Shirarka Mucaaradka si looga baaqsado in dabino iyada ah loo dhigo balse ka hor Doorashada Baarlamaanka oo dhamaadka Sanadkaan 2020 waxaa lasii dareemayaa in biro tumasho kuraasta ah lasii galayo.

Isbadelka ku dhacay Maamul Gobolleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxay ka dhignaan doontaa in dhinac ay La saftaan oo Murashax Madaxweynaha Qaranka ay ugu shubi karaan Xildhibaanada Deegaanadaas kasoo geli doona Baarlamaanka Dalka.

Sidaas si la mid ah HirShabelle ayaa la rumeysan yahay in iyaduna saameyn ku yeelan doonto Madaxda hadda joogta doorashada maamulkaasi ka dhici doonta daba yaaqada Sanadkaan oo laga yaabo sida la sheegay in aysan soo laabanin madaxda HirShabelle.

isku soo wada duuboo sida ay Miisaan ahaan siyaasada socota iyo Ololaha Doorashada Dalka lasii galay waxaa laga digayaa in fad qalalo Amni la horseedo,xiriirka aan wanaagsaneyn ee dhex yaalla weli Jubbaland iyo Puntland oo Dawlada Dhexe aan la heshiis aheyn,ayaa lagu baaqay in ka hor doorashada la dhameeyo mugdiga jira.

Waxaana dadka udhuun daloola Arimaha Soomaaliya ay ku talinayaan oo ay soo jeediyeen in “Murqo weynta Siyaasada Doorashada Dalka Haku Bad baadiyaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here